Sunday, December 28, 2025

Xog cusub oo ka soo korortay markab lagu qabsaday xeebaha Soomaaliya

Sida ay bayaan ay sii daayeen ku sheegay howlgalka ATALANTA, ee caalamiga kana howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay “inay xoreeyeen markabka ganacsiga ee shidaalka qaada HELLAS APHRODITE, oo wata calanka Malta.”

Shaqaalaha markabka oo ka koobnaa 24 qof ayaaa bayaanka ATALANTA, lagu sheegay inay badqabaan .

“Intii uu dhacdadu socday, shaqaaluhu waxay ku sugnaayeen qaybta amniga ee markabka iyagoo si toos ah ula xiriiray ciidamada ATALANTA,” ayuu intaas ku daray bayaanku.

Kooxda qabsatay markabka ayaa la sheegay inay isaga deggeen markaba ka dib markii uu ku dhawaaday markabka dagaal ee la yiraahdo ESPS VICTORIA, oo laga leeyahay dalka Spain kaas oo ay dushiisa saarnaayeen diyaaro nooca helikobtarka, diyaarado an duuliye lahayn kuwo sahaminta ah iyo sidoo kale ciidamo gaar ah oo ka qayb qaatay howlgalka lagu xoreeyay markabka.

Ragga hubaysan oo lagu sheegay inay yihiin burcad baddeed ayaa marka weeray subaxnimadii 6-da Noofambar, markaas oo markabka lagu weeraray qiyaastii 700 mayl-badeed u jirta magaalada Muqdisho. Markii ay hawlgalka ATALANTA heleen digniinta, ciidamada badda iyo cirka ayaa si degdeg ah loo hawlgeliyay si ay u fuliyaan tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles