Monday, December 29, 2025

Koofur Galbeed oo war ka soo saartay falka argagaxa lahaa ee ka dhacay Wanla-weyn

Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay falka waxashnimada ah ee lagu dilay qof shacab ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Dadumaay, oo ku yaalla duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkan ayaa lagu tilmaamay mid argagax leh oo liddi ku ah qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada, iyadoo dowladdu ay sheegtay in aan la aqbali karin falal noocan oo kale ah oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida shacabka.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay ku eedeysay kooxaha ka dambeeyay falkaasi inay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada, isla markaana ay ka go’an tahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo dhacdadan si cadaaladda loo horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay.

Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay sheegtay in aysan jiri doonin cid ka baxsan doonta sharciga, iyadoo ku adkeysay in la qaadi doono tallaabo adag oo lagula xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo dambigan foosha xun.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada iyo qoysaska marxuumkii ku geeriyooday falkaas, iyadoo Alle uga baryeysa inuu u naxariisto, jannadiisana ka waraabiyo.

Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Galbeed waxay ugu baaqday shacabka inay ka feejignaadaan kooxaha dhibaatooyinka hurinaya iyo kuwa doonaya inay cabsi iyo kala qoqob ku abuuraan bulshada, ayna si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal noocan oo kale ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles