Friday, April 3, 2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo War ka soo saartay colaadaha iyo dilalka ka socda qeybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay baaq nabadeed, iyadoo ku xuntay colaadaha, dilalka iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay qeybo kamid ah dalka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso falalka foosha xun ee sababaya iska hor-imaadka bulshada iyo kicinta colaadaha sokeeye, iyadoo ugu baaqday hay’adaha amniga in ay si degdeg ah ula xisaabtamaan kuwa ku lugta leh falalkaas amni-darrada ah.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay ugu baaqday Dowlad-Goboleedyada, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka, iyo Waxgaradka deegaanada ay colaaduhu ka jiraan in ay si dhab ah uga qeybqaataan joojinta iyo daminta colaadaha, si dalka looga hirgeliyo xasillooni iyo nabad waarta.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa adkeysay in nabaddu tahay furaha horumarka, isla markaana dowladda federaalka ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso dadaallada dib u heshiisiinta iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay Alle uga baryeysaa in uu u naxariisto dhammaan dadkii ku geeriyooday colaadaha, dhaawacyadana uu caafimaad degdeg ah siiyo, iyadoo ku boorisay shacabka Soomaaliyeed in ay u istaagaan ilaalinta midnimada, nabadda iyo walaaltinimada.

WARARKII KALE

Mahad Salaad oo la kulmay madaxda hay’adaha CIA iyo FBI

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA),...

Taliya ciidamada xoogga oo sheegay inuu bilaaban doono howlgal culus

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud oo...

Guddoomiye Shuute oo Fariin adag u diray Ciidamada

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute...

Xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo wada hawlgalo lagu baacsanayo...

Iran oo si adag ugu hadashay Trump

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbas Araghchi ayaa sheegay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles