Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraar ku saabsan in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa guddoomiyey kalfadhiga 7-aad kulankiisa 13-aad, kaas oo ku furmay kooram dhan 140 xildhibaan.

Ugu horreyn, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka dib-u-eegista sharciga la dagaalanka burcad-badeedka iyo ka hortagga afduubka ee Sharciga Lr.36, kaas oo markii hore soo baxay 30-kii April 1975. Xildhibaanadu marka ay cod u qaadeen Hindise Sharciyeedkan waxa oggolaaday 140 xildhibaan, mana jirin cid diiday ama ka aamustay, sida uu ku dhowaaqay Guddoomiye ku-xigeenka labaad.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa guda galay ajendaha ku saabsan qaraarka Golaha ee la doonayey in 14-ka October loo aqoonsado Maalinta Xasuuqa Qaran ee loo huray dhibbanayaasha argagixisada ee Soomaaliya. Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, oo ka mid ah mudanayaashii soo diyaariyey mooshinka, ayaa Golaha horgeeyay warbixintii doodaha iyo aragtiyihii horey ay xildhibaanadu uga dhiibteen arrintan.

Ugu dambayn, xildhibaanada cod u qaaday qaraarkan ayaa u codeeyey in 14-ka October loo aqoonsado Maalin Qaran. Waxaa oggolaaday 137 xildhibaan, laba xildhibaan ayaa diiday, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles