Wednesday, July 9, 2025

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka oo saxiixay qaab dhismeedka rasmiga ah hay’adda

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Qaab-dhismeedka cusub ee Hay’adda, kaasoo hagaya jihada shaqo, maaraynta waaxyaha, laamaha iyo horumarinta adeegyada kala duwan oo ay Hay’addu bixiso.

Qaab-dhismeedkan cusub oo ay horey uga wada shaqeeyeen Agaasinka Waaxaha kala duwan, iyo la-taliyeyaal farsamo ayay hay’addu ku hawlgeli doontaa.

Qaab-dhismeedkan waxa uu dhabbaha u xaarayaa:

• In si hufan loo kala hago howlaha Hay’adda

• In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo waxqabadka shaqaalaha

• In la dhiso nidaam maamul casri ah oo la jaanqaadaya isbeddelka teknolojiyadda iyo baahiyaha bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in qaab-dhismeedkan cusub uu saldhig u noqon doono qorshaha dib u habaynta Hay’adda, iyadoo la horumarinayo adeegyada muhiimka ah sida baasaboorka, dal-ku-galka, jinsiyadda, iyo ilaalinta xuduudaha.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles