Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhaan, ayaa maanta gaaray magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar, halkaas oo uu uga qeybgalayo shir wadatashi ah oo ay isugu imaanayaan madaxda Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea.
Al-Burhaan ayaa magaalada Al-Calamayn u tagay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi.
Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo iyo xaalado gobolka ah oo ay daneynayaan afarta dal, iyadoo sidoo kale diiradda la saarayo xoojinta wada-tashiga iyo isku-duwidda madaxda dalalka Geeska Afrika.
Madaxda ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada nabadda iyo xasilloonida, loona taageeri lahaa horumarka iyo isdhexgalka gobolka.


