DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaddib markii Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Cabdiraxmaan loo magacaabay Taliyaha qaybtaasi.

Qaybta 26-aad ayaa lagu wadaa inay ka hawlgasho deegaanada waqooyiga ka xiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo saldhig looga dhigay deegaanada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sida xogta la helayo, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bishii September fasaxay mushaharka 2,500 askari oo loogu talagalay inay ka howlgalaan Qaybta 26-aad.

Gaashaanle Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Cabdiraxmaan, oo loo magacaabay taliyaha qaybta, ayaa horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxaana uu ka mid yahay saraakiisha da’da yar ee tababarrada milatari ku soo qaatay dalka Eritrea.

Dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Federaalka ee lagu ballaarinayo dib-u-dhiska iyo joogitaanka Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada waqooyiga Soomaaliya.

Qaybta cusub ayaa la filayaa inay gaarto deegaano ku yaalla waqooyiga dalka, oo ay ku jiraan dhulka ku dhow xeebaha Sanaag, iyadoo faahfaahinta rasmiga ah ee waajibaadka iyo goobaha ay ciidamadu si gaar ah uga howlgeli doonaan aan weli si buuxda loo shaacin.

Haddii qorshahan la hirgeliyo, Qaybta 26-aad waxay noqonaysaa cutub muhiim u ah qorshaha dowladda Federaalka ee dib-u-habeynta ciidamada iyo fidinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanada waqooyi.

WARARKII KALE

DFS oo Cali Jeyte dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan ay sii xoogeysanayso

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore...

Fiqi oo mucaaradka ku eedeeyay dalabka hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab iyo Daacish ee gogosha wada-hadalka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Horjooge sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa lacagaha baadda ah oo lagu dilay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 6-aad, Qeybta...

Bangiga Adduunka oo ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Muqdisho

Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed...

Deni oo la kulmay Safiirka Ingiriiska iyo arrimo xasaasi ah oo ay ka wadahadleen

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka...

Danjiraha Turkiga iyo Waare oo ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo gobolka

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles