Wednesday, July 30, 2025

Al-shabaab oo Burburiyay Buundada Bariiri iyo DFS oo ka hadashay

Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal  qorsheysan oo ciidamada dowladda ay  ka fuliyeen deegaanada Awdhiigle, Bariiri, Sabiid iyo Caanoole oo ka trisan Gobolka Shabeelada Hoose.

Dagaalka ayaa lagu dilay maleeshiyaadka ka tirsan kooxda Al-shabaab, iyadoona sidoo kale la qabsaday hub, sida ay  sheegtay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxay qarax ku jareen Buundada deegaanka Bariiri si aysan u isticmaalin gaadiidka gurmadka Ciidanka dowlada iyo dadka shacabka.

Buundada ay qarxiyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa marin muhiim ah u aheyd shacabka isticmaala deegaano kale ee ka tirsan Gobolkaasi.

Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay eek a dhacay Gobolka Shabeelada Hoose lagu khaariyay xubno ka tirsan Kooxda Al-shabaab, inkastoo uusan sheegin tiradada xubnaha la dilay, waxaa uuna sheegay in Al-shabaab ay qarxiyeen Buundada Bariiri.

Buundada deegaanka Bariiri ayaa xiriirin jirtay labada dhinac ee webiga iyadoona mihiim u ahayd Dadka deegaanka oo u badan Beeraleey.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 30/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis lagu kordhinayo Ciidamada Jabuuti

War Saxaafadeed, Saxiixa Heshiiska Xaaladda Ciidamada (SoFA) ee u...

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Al Hadji Ibraahima Diene iyo wafdi la socday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Netanyahu oo si weyn uga carooday hadalkii kasoo yeeray Dowladda Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer, ayaa sheegay in Ingiriisku...

Dagaal markale ka qarxay Beledxaawo

Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles