Wednesday, April 8, 2026

Al-shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Al-Kowthar ee G/Sh/Dhexe.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Al-Kowthar ee gobolka Shabeelada Dhexe oo halkaasi ay saldhighyo ay ku leeyiiin ciidamada dowladdda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka.

Ciidamada huwanta ayaa ka hortagay weerar Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Al-Kowthar, iyadoona la soo warinayaa in khasaare xooggan halkaasi lagu gaarsiiyay.

 Dhinacyada ayaa hubka culus isku weydaarsaday duleedka deegaanka, waxaana weli soconayo dagaalka.

 Wararkii ugu dambeeyay ee Al-kowthar ayaa sheegaya dagaalka oo dhowr jeer la isku laabtay uu Qasaare badan dhaliyay.

 Dhinaca ciidamada dowladda iyo kuwa maleeshiyada degaanka ayaa sheegay inay Gaadiid dagaal ka gubeen Alshabaabka weerarka ahaa, iyadoo dib u celiyay, balse weli xaaladda ayaa kacan, waxaana weli socda dagaalka.

 Ciidamada dowladda iyo Macaawileyda degaanka ayaa wajahaya weeraradii ugu badnaa ee Sabaab kuusoo qaado degaanada Hirshabelle.

 Saaka oo kaliya waxay AS weerarreen degaanda Beero-yabaal, Aboorey iyo Ceel Cali Axmed oo ay gudaha u galeen, kadibna waxay Weerar kale oo gaadmo ah ku qaadeen Alkowthar, waxaana muuqata inay xoogga saarayaan Hirshabeelle oo muddooyinkan dambe uu ka socday abaabul qorshe dagaal oo wejiga labaad ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 08 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Trump oo war ka soo saaray heshiiska uu la galay Iran

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay...

Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo...

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala...

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka...

Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles