Friday, April 10, 2026

Duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay Mudug

Diyaarado dagaal ayaa xalay saqdii dhexe duqeymo culus ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday xarumo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada Faarax Aadan, Carfuuda Tabar-mooge iyo Miiron, halkaas oo la sheegay in lagu burburiyay fariisimo iyo gaadiid ay lahaayeen kooxda. Wararka ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah gaadiidkaasi loo adeegsanayay diyaarinta walxaha qarxa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay, laguna bartilmaameedsaday goobo muhiim u ahaa dhaqdhaqaaqa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta.

xaaladii ugu dambeysay ee laga helayo  deegaannada duqeyntu ka dhacday ayaa sheegaya in xaaladdu ay haatan degan tahay, inkastoo weli la dareemayo saameynta ka dhalatay duqeymaha culus ee habeenkii ka dhacay halkaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles