Saturday, August 8, 2026

Xildhibaano ka tirsan BFS oo sharci darro ku tilmaamay Kursiga Wasiir Jaamac

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka kala socda labada aqal isla markaana isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah”, ayaa si kulul uga hadlay kursiga HOP #204 ee dhowaan loo doortay Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Wasiir Jaamac).

War-saxaafadeed ay soo saareen, ayay ku sheegeen in habka loo maray doorashada kursigaasi uu yahay mid baal marsan sharciga, isla markaana ka hor imaanaya Dastuurka ku meel gaarka ah iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka. Waxay tilmaameen in kursigaasi uu horey ugu fadhiyay Xildhibaan Isaaq Cali Subag, ayna tahay sharci darro in si kale loo buuxiyo iyadoo aan la raacin habraacyada saxda ah.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka sare ee dowladda inay faragelin ku hayaan nidaamka doorashooyinka kuraasta Baarlamaanka, iyagoo sheegay in arrintan ay dhaawaceyso kalsoonida hay’adaha dowliga ah iyo hannaanka dimuqraadiyadda.

Waxay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay difaacaan sharciga iyo nidaamka dowladnimada, iyagoo si gaar ah u xusay in aan la aqbali karin wax kasta oo lid ku ah hannaanka saxda ah ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyn, waxay caddeeyeen in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashada kursiga HOP #204, iyagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo tallaabooyinka ay ku tilmaameen “sharci darrada” ah ee ka socda magaalada Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles