Markabka qodista Shidaalka Turkiga oo Jimcaha soo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga Çağrı Bey ayaa soo gaaray biyaha Soomaaliya, isagoo qayb ka ah dadaallada lagu bilaabayo soo saaridda shidaalka dalka.

Sida qorshuhu uu yahay markabkan ayaa Dekadda Muqdisho soo gaaray maalinta Jimcaha ah ee ku beegan 10-ka April.

Imaanshaha markabkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo horudhac u ah howlaha shidaal baarista iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Çağrı Bey waa markab casri ah oo leh awood sare oo ku saabsan qodista shidaalka badda hoosteeda, waxaana la filayaa inuu ka shaqeeyo aagagga badda ee loo asteeyay sahminta shidaalka.

Dowladda Soomaaliya iyo shirkadaha Turkiga ayaa iska kaashanaya mashruucan, kaas oo la rajeynayo inuu horseedo horumar dhaqaale iyo koboc ballaaran.

Imaanshaha markabkan wuxuu sidoo kale muujinayaa xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, maalgashiga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Haddii howlaha qodista shidaalka ay si guul leh u bilowdaan, waxaa suuragal ah in Soomaaliya ay mustaqbalka dhow ka mid noqoto dalalka soo saara shidaalka, taas oo wax weyn ka beddeli karta dhaqaalaha dalka.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh “Qof siyaasad u xiran maanta ma jiro, qofkii dacwad qaba waxaa inoo jira garsoor”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay khudbad uu...

Uganda oo ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya, Gaza-na u weecinaysa

Taliyaha guud ee ciidamada Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba,...

Mareykanka iyo Ciraaq oo ka wada hadlay dejinta xiisadaha ka taagan gobolka

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Turkiga, ahna ergeyga gaarka ah...

Iiraan oo ka digtay saameynta dhaqaale ee dagaal cusub oo ay la gasho Mareykanka iyo Israa’iil

Mas’uulka ugu sarreeya hay’adda Difaaca Dadban ee Iiraan, Jeneraal...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 11 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle  oo ka qeyb galay munasabda caleema saarka hogaamiyaha galmudug

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles