Xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Ciidamada Jubaland iyo kuwa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kumaandooska Danab, ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay howlgallo ballaaran ka wada deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Afmadow iyo Xagar ee gobolka Jubada Hoose.

Howlgalladan ayaa si gaar ah loogu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo wararku sheegayaan in xubno ka tirsan maleeshiyaadka la dilay, halka kuwo kalena nolosha lagu qabtay intii ay socdeen howlgallada.

Ujeedka ugu weyn ee howlgalladan ayaa ah furista waddooyinka muhiimka ah ee isku xira Afmadow iyo Bu’aale, kuwaas oo muddo ku jiray gacanta maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, howlgallo culus ayaa ka socda nawaaxiga Xagar, halkaas oo dhul howd ah uu caqabad ku yahay dhaq-dhaqaaqa ciidamada.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay, maamulka Jubaland ayaa si weyn u xoojiyay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo militari oo xooggan oo lagu doonayo in lagu xoreeyo deegaanno istiraatiiji ah, gaar ahaan degmada Bu’aale oo muhiim u ah kooxda.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa kordhiyay howlgallada lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo dadaal xooggan ugu jira ciribtirka kooxda iyo dib u soo celinta amniga guud ee gobolka Jubada Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles