AUSSOM oo si adag u cambaareysay weerarkii lagu qaaday Godka Jilacoow

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xabsiga ay maamusho Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ee magaalada Muqdisho, maalintii Sabtida.

Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, ayaa sheegay in weerarkaasi uu markale caddeynayo ujeedada kaliya ee Al-Shabaab oo ah “in ay carqaladeeyaan nabadda iyo xasilloonida caasimadda iyo nawaaxigeeda, iyagoo doonaya inay shacabka ka hor istaagaan nabadda iyo amniga ay u baahan yihiin.”

Danjiraha ayaa intaa ku daray in weerarka uu mar kale muujinayo “aragti darrada iyo naxariis la’aanta kooxda Al-Shabaab ee nolosha bini’aadamka, iyo isku daygooda ay ku doonayaan inay dib u soo celiyaan xilliyadii mugdiga ahaa ee la soo dhaafay.”

“AUSSOM ayaa ammaanay Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) sida ay degdegga ugu jawaabeen, una fashiliyeen weerarka iyadoo ay ku guuleysteen in ay yareeyaan khasaaraha ka dhashay falkaas foosha xun. Sidoo kale howlgalka ayaa mahadcelin u jeediyay shaqlaalaha caafimaadka ee si xirfad iyo naxariis leh u daryeelay dadkii ku dhaawacmay weerarka.Danjire Diene ayaa tacsi u diray ehellada dadka ku naf waayay weerarka, wuxuuna u rajeeyay bogsasho degdeg ah kuwa dhaawacmay” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles