Wednesday, March 4, 2026

Axmed Madoobe oo eedeyn u jeediyay Madaxda DFS

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka (Axmed Madoobe), ayaa ka hadlay furitaanka kal-fadhiga Baarlamaanka isagoo si cad uga digay halista ku gedaaman dowladda dhexe iyo nidaamka siyaasadeed ee dalka.

Madoobe ayaa ku eedeeyey madaxda dowladda federaalka in ay nidaamka burburinayaan, isagoo sheegay in dawladnimadii Soomaaliya ay hadda ku koobantahay Muqdisho, isla markaana jidka ay dalka ku socoto uu halis cusub ka dhalan karo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa arrimaha Somaliland ka sheegay in ay xaq u leeyihiin go’aanadooda, balse ay ka raadiyeen meel fog oo ay ka dhici karto xal u dhow, isagoo ku tilmaamay in habkan ay Soomaaliya ku socoto uu halis badan yahay, Wuxuu intaa ku daray in haddii aan gacmaha la qaban Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ay dhici karto in Puntland iyo Jubbaland ay qaataan go’aano gaar ah, isla markaana ay ka durugsanaan karaan halka hadda Somaliland laga hadlayo.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale sheegay dhacdo amni oo ka mid ah weerar lagu qaaday ciidanka Jubbaland ee Raskambooni, isagoo tilmaamay in diyaarad drone ah oo dhanka Soomaaliya ah ay weerar ku qaaday ciidanka, taasoo muujinaysa masuuliyad darro ka jirta hoggaanka DFS.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles