Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib ugu laabtay dalkooda, kaddib markii muddo ka badan shan bilood ay afduub ahaan ugu haysteen burcad-badeed Soomaali ah oo qabsaday markabka shidaalka ee MT Honour 25.
Badmaaxiinta ayaa kamid ahaa shaqaalihii markabka ee la badbaadiyay toddobaadkii hore, kaddib markii ciidamada Booliska Badda Puntland ay hawlgal ku qaadeen markabka oo muddo bilo ah gacanta ugu jiray burcad-badeedda.
Afarta badmaax ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Soekarno-Hatta ee magaalada Jakarta, halkaas oo ay ku sugnaayeen qoysaskooda iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Indonesia, oo uu kamid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi.
Wasiirku wuxuu u mahadceliyay kabtanka markabka, Ashari Samadikun, oo uu sheegay inuu door ka qaatay badbaadinta shaqaalaha intii uu socday hawlgalkii lagu soo furtay markabka.
Kabtanka ayaa dhankiisa raalligelin ka bixiyay geerida shan kamid ah shaqaalihii markabka, isagoo sheegay inuu aad uga xumaaday inuusan dhammaan shaqaalaha si nabad ah ugu soo celin karin qoysaskooda.
Sida ay werisay AFP, shan shaqaale ayaa la dilay ka hor inta aan ciidamada Puntland dib ula wareegin markabka. Dadka dhintay ayaa kala ahaa saddex Pakistani ah, hal Hindi ah iyo hal qof oo u dhashay Myanmar.
Afduubka MT Honour 25 ayaa soo jiitay indhaha caalamka, gaar ahaan dalalka Pakistan iyo Indonesia, maadaama shaqaale badan oo markabka saarnaa ay u dhasheen labadaas dal.
Badbaadinta shaqaalaha iyo dib ula wareegidda markabka ayaa sidoo kale muujisay doorka ciidamada Puntland ee howlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda ka howlgasha xeebaha Soomaaliya.


