Sunday, February 22, 2026

Banaanbixii Mucaaradka ay maanta qorsheeyeen inuu ka dhaco Muqdisho oo markale Baaqday

Waxaa maanta markale baaqday banaanbixii mucaaradka ee lagu balansanaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaas oo lagu sheegay inuu ahaa muujin ka dhan ah barakicinta iyo cadaadiska lagu hayo shacabka ku nool caasimadda.

Banaanbixan ayaa markii hore lagu waday in lagu qabto magaalada Muqdisho, iyadoo abaabulkiisa ay hormuud ka ahaayeen siyaasiyiin mucaarad ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ujeeddada ugu weyn ee banaanbaxyadan ayaa ahayd in lagu diido barakicinta dadka danyarta ah ee lagu soo qaaday qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan degmooyinka ay ka socdaan howlgallada lagu burburinayo guryaha iyo dhismayaasha ay degan yihiin dadka saboolka ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa horey u sheegay in Khamiista maanta uu dhici doono banaanbax nabadeed oo looga soo horjeedo siyaasadda dowladda iyo xaaladda amni ee dalka, gaar ahaan arrimaha ku saabsan barakicinta shacabka.

Hase yeeshee, ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay dib u dhaca banaanbaxa, mana jirto faahfaahin ay bixiyeen qabanqaabiyeyaasha ama saraakiisha amniga ee Muqdisho.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa saaka deggan, iyadoo waddooyinka muhiimka ah ay u furnaayeen si caadi ah, halka ciidamo ka tirsan dowladda ay weli ku sugan yihiin goobo muhiim ah oo ay horey ugu diyaarsanaayeen inay maareeyaan isu soo baxa mucaaradka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta soo gabagabeeyay cutubka 9-aad ee Dastuurka

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas...

Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta...

Taliban oo digniin culus dirtay

Pakistan ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay “toddobo goobood iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles