Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha ee Liibiya iyo Giriiga, xilli tirada dadka socotada ah ee ku dhintay badda Mediterranean-ka ay sii kordhayaan.

Booliska Liibiya ayaa helay meydadka shan qof oo magangalyo doon ah oo ku soo caariyay xeebta u dhow caasimadda Tripoli, iyadoo dhanka kale mas’uuliyiinta Giriigga ay ku dhawaaqeen dhimashada saddex qof oo kale oo iyaguna laga helay xeebta Crete.

Wakaaladda Wararka ee Athens ayaa Sabtidii sheegtay in mas’uuliyiintu ay soo heleen saddex meyd ah, isla markaana ay badbaadiyeen ugu yaraan 20 qof ka dib markii doon alwaax ah oo siday muhaajiriin iyo magangalyo doon ah ay ku degtay xeebta Crete.

Inta badan dadkii badbaaday waxay ahaayeen Masaari iyo Suudaan, sida la sheegayna waxaa ku jiray afar carruur ah oo aan qaan-gaarin.

Meydadka Liibiya waxaa Sabtidii helay dadka deggan magaalada xeebta ee Qasr al-Akhyar, sida uu sheegay sarkaal booliis ah Hassan Al-Ghawil,wuxuuna intaa raaciyay in dhammaan meydadkaasi oo ahaa dad madow ah ay ku jireen laba haween ah.

Musiibadaan ayaa timid toddobaadyo ka dib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ay sheegtay dhimashada konton iyo saddex muhaajiriin ah, ka dib markii doon caag ah oo ay saarnaayeen 55 qof ay ku degtay xeebta magaalada Zuwara ee galbeedka Tripoli.

Sidoo kale dhimashada dadka tahribka ah ayaa timid xilli mas’uuliyiinta Giriiggu ay ka jawaabayeen dhacdo kale oo ka dhacday bariga Mediterranean-ka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles