Howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo qorsheysan, kaas oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya aagga deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee amni-darrada ka wada deegaannada ku teedsan webiga Shabeelle.

Deegaanka Xawaadley, oo hoos taga magaalada Jowhar, ayaa ah meel istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo isku xirka tuulooyinka gobolka.

Ciidamada ayaa sameynaya baaritaanno guri-guri ah, iyagoo hubinaya inaysan jirin xubno ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanaya goobahaasi. Sidoo kale, waxaa la adkeeyay ammaanka waddooyinka muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka shacabka iyo gaadiidka isticmaala.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay in la xaqiijiyo xasiloonida deegaanka, lana burburiyo fariisimaha iyo godadka ay kooxdu ku dhuuman karto.

Howlgalkani wuxuu qeyb ka yahay istaraatiijiyadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallamayso Khawaarijta, si loo xoojiyo amniga guud ee dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles