Shirkii Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo markale ka qabsoomaya Villa Somalia

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta markale ka furmaya shir u dhexeeya Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia iyo golaha mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkaan oo uu gogoshiisa dhigay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qaybgeli doono RW Xamse, ku-xigeenkiisa, Madaxda Puntland iyo Jubbaland, Madax hore, xubno katirsan golayaasha dowladda Somalia & siyaasiyiin katirsan golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkaan ayaa looga arrinsanayaa xaaladda guud ee ay marayso Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo siweyn loogu kala dheeraaday sanadihii ugu dambeeyey iyo waxka-beddelka dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.

Xubnaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo shalay shir ku yeeshay Muqdisho ayaa isku-raacay in ay maanta oo Axad ah iyaga oo isku-dhan ay tagaan Villa-Somalia, si loo sii amba qaado kulamadii arrimaha doorashooyinka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii madaxtooyada Somalia diiddey Guddi ay u saareen in ay kala-hadlaan doorashooyinka, isla markaasna ay guul-darraysteen isku-dayo la doonayey in doodda lagu xalliyo shirar gaar gaar ah.

Golaha ayaa sheegay inay doonayaan doorashooyin Dadban oo ka metelaad badan kuwii hore ka hor bisha Maay, waxayna meesha ka saareen in ay ku kala qaybsan yihiin arrin taasi, iyaga oo intaasi ku daray in sidoo kale la qabto doorashooyinka KGS, Galmudug & Hirshabeelle oo muddo xileedkoodu dhammaaday.

DFS ayaa weli ku foogan waxka-beddelka Dastuurka JFS, aan waxba ka beddelin mawqifkeedii ku aaddanaa qabashada doorashooyin toos ah oo dalka oo dhan ka dhaca oo Baarlamaani ah sida uu qabo Dastuurka cusub, iyada oo ay maamulayaan Guddiga Doorashooyinka JFS.

Qodobka u furan madaxtooyada xilligaan ayaa lagu sheegay inuu yahay in haddii looga adkaado qabashada doorasho qof iyo cod ah awoodda loo celiyo odayaasha si la mid ah doorashadii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh ee 2012, si ay ula soo baxdo xildhibaano taageersan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles