Baydhabo: Xubno looga shakisan yahay qaraxii lala eegtay Taliyaha Booliiska oo la qabtay

Laamaha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qarax xalay ka dhacay magaalada.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday Taliyaha Booliiska Baydhabo, Cali Taagey, xilli uu ka soo baxay gurigiisa, kuna sii jeeday saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Xero Jaad.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo diiday in magacyadooda la shaaciyo ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la qabtay si gaar ah loola xiriirinayo qaraxa, kadib baaritaanno ay sameeyeen ciidamada ammaanka.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in baaritaannada ay weli socdaan, isla markaana marka la soo gabagabeeyo ay warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahinta baaritaanka iyo sababta loo qabtay dadkaasi.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Dowladda iyo laamaha ammaanka ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin khasaaraha ka dhalatay qaraxa.

WARARKII KALE

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

Khilaafka Uganda iyo Turkiga oo lala xiriirinayo mustaqbalka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE)...

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi...

Turkiga, Ciraaq iyo Georgia oo noqday waddamadii ugu horreeyey mamnuucay diyaaradaha Iraan

Kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles