Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE) ayaa sheegtay in go’aanka Uganda ay ku hakisay iskaashigii milatari iyo difaaca ee Turkiga uu qayb ahaan xiriir la leeyahay mustaqbalka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.
Sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen MEE, Kampala ayaa walaac ka qabta in haddii awoodda ciidamada Soomaaliya ay sii kororto, isla markaana Soomaaliya ay si weyn ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, ay hoos u dhici karto baahida loo qabo ciidamada shisheeye.
MEE ayaa sheegtay in Uganda ay Soomaaliya ku leedahay ciidamo ka tirsan AUSSOM, halka ciidamo kale ay ku joogaan heshiis laba geesood ah. Warbixintu waxay tilmaantay in joogitaanka ciidamada Uganda uu dalkaasi uga soo xaroodo dhaqaale malaayiin dollar ah, sidaas darteedna dhammaadka ama hoos u dhaca howlgalka Soomaaliya uu saameyn dhaqaale ku yeelan karo Kampala.
Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in Turkiga uu door weyn ku leeyahay dhismaha ciidamada Soomaaliya, isagoo tababaray kumannaan askari Soomaali ah, oo ay ku jiraan ciidamada kumaandooska. Sida laga soo xigtay ilo ay MEE la hadashay, awoodda sii kordheysa ee ciidamada Soomaaliya waxay mustaqbalka yareyn kartaa ku-tiirsanaanta ciidamo shisheeye.
Si kastaba, UPDF si rasmi ah uma aysan sheegin in Soomaaliya ama tababarka Turkiga uu yahay sababta go’aanka.
Ciidanka Uganda waxay sheegeen oo keliya in la hakiyay iskaashiga milatari iyo difaaca ee Turkiga ilaa laga xalliyo arrimaha taagan ee labada dhinac.
Warbixinta MEE waxay sidoo kale xustay in khilaafka uu leeyahay dhinacyo kale, oo ay ka mid yihiin cadaadis gudaha Uganda ah oo la xiriira muwaadin Ugandese ah oo ku sugan Turkiga, balse ilo ay MEE la hadashay ay ku doodayaan in arrintaasi aysan ahayn sababta ugu weyn ee khilaafka.


