RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda Pakistan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Difaaca Cirka, ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz, oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, kobcinta awooddiisa, iyo horumarinta tababarka iyo tayada ciidanka, si loo dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo awood difaac oo cirka ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey wafdiga Dowladda Pakistan booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo muhiim u ah sii xoojinta iskaashiga labada dal. Waxa uu xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga shaqaynayso dhismaha, tababarka, tayaynta iyo qalabaynta Ciidanka Soomaaliyeed, xilli uu dalku ku jiro dadaallo dib loogu soo celinayo awoodda iyo tayada ciidanka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga iyo taageerada dhinaca difaaca, gaar ahaan horumarinta awoodda Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo guud ahaan tayaynta hay’adaha amniga iyo difaaca dalka.

WARARKII KALE

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

Khilaafka Uganda iyo Turkiga oo lala xiriirinayo mustaqbalka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE)...

Baydhabo: Xubno looga shakisan yahay qaraxii lala eegtay Taliyaha Booliiska oo la qabtay

Laamaha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay gacanta...

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi...

Turkiga, Ciraaq iyo Georgia oo noqday waddamadii ugu horreeyey mamnuucay diyaaradaha Iraan

Kaddib markii Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessant uu ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles