Sunday, February 9, 2025

Blinken oo booqashadiisii u dambeysay ku tagaya Yurub iyo Asia

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken ayaa maanta oo Axad ah ay u billaabmeysaa, booqashadi u danbeysay ee uu dal dibadda ah ku tago, ka hor inta uusan dhammaan muddo xileeda dowladda uu ka tirsanyahay 20-ka bishaan Jannaayo.

Blinken ayaa tagi doona dalalka Kuuriyada Koofureed, Japan iyo France. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arribadda uu madaxda dalalkaasi kula kulmi doono magaalooyinka Seoul, Tokyo iyo Paris laga billaabo maanta oo Axad ah.

Kuuriyada Koofureed ayaa waxaa hadda ka jira qalalaaso siyaasadeed oo ka dhashay xal ka qaadisti madaxweynihi hore Yoon Suk Yeol. Halka Japan uu Bilinken safarkiisa diiradda ku saari doono sii xoojinta xiriirka Washington iyo Tokyo.

Blinken ayaa socdaalkiisa ugu danbeeya ku soo xiri doona Paris, halkaas oo la filayo in uu madaxda Faransiiska kala hadlo horumarradi ugu danbeeyay ee xasaradaha Bariga Dhexe, iyo amniga Yurub gaar ahaan xaaladda Ukraine.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles