Monday, March 16, 2026

Booliiska Puntland oo qabtay nin naag iska dhigi jiray

Ciidamada booliiska maamulka Puntland, gaar ahaan qeybta gobolka Mudug ayaa maanta gacanta ku dhigay nin dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in uu iska dhigi jiray naag, sidoo kale xiran jiray dharka dumarka caanka ku yihiin.

Ninkan booliiska maamulka Puntland maanta soo bandhigeen ayaa magaciisa lagu sheegay Axmed Cali Shire, hasa ahaatee ninkan naagta iska dhigayay ayaa magaciisa Axmed u bedelay lana baxay magaca Anisa Cali Shire.

Saraakiisha booliiska maamulka Puntland ayaa sheegay in ninkan ay qabteen lagu sameyn doono baaritaanno dheeraad ah, waxa ayna xuseen in loo gudbin doono laamaha caddaaladda , si loo marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay.

Xarigga ninkan naagta iska soo dhigay ayaa kusoo aadaya xilli xalay magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin kale oo isna naag iska dhigay , sidoo kale soo sameestay horaadaha dumarka loona heesan jiray in uu dumar yahay.

WARARKII KALE

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan weerarada Iran

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Carabi Mohammed bin Salman iyo Madaxweynaha...

Koox hubeysan oo xalay nabadoon ku dilay Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu dilay nabadoon Cali Xuseen...

Trump oo Uk iyo dalal kale ugu baaqday in Maraakiib ay u direen Marinka Hormuz

Donald Trump ayaa ku boorriyay UK iyo dalalka kale...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo magacawday Afhayeen cusub una diyaar garowday dagaal

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koofur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi...

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran Hindiya

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles