Sunday, February 9, 2025

Booliska oo war kasoo saaray Qaraxyo la sheegay in ay Magaalada ku jiraan

Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray hadalo dhawaanahan la isla dhex marayay oo ku aadan in caasimadda ay ka dhici karaan falal amni darro.

Qoraal kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa shacabka loogu sheegay inaysan jirin wax khatar amni ah.

“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayaa in aysan jirin wax khatar amni ah oo ka jirta caasimadda Muqdisho” ayaa lagu yiri Qoraalka Kasooo baxay Booliska Soomaaliya.

Dagaalamayaasha AS ayay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen abuurista walaaca laga qabay in Caasimadda ay ka dhacaan falal amni darro “ayaa isku dayay inay abuuraan cabsi, iyagoo miinooyin been abuur ah ku dhajiyay xarun ganacsi oo ku taalla Degmada Daarusalaam” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Miinooyinkaas waxaa la xaqiijiyay inay ahaayeen kuwo dheemish ah oo aan wax khatar ah geysan. Ma jirin wax khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay falkaas.

Ciidanka Boliiska ayaa si degdeg ah uga jawaabay dhacdadan, kana qaaday tallaabooyin lagama maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo kalsoonida bulshada.

Taliska Boliiska ayaabugu baaqay shacabka inay nabadda kala shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna ka digtoonaadaan wararka been abuurka ah ee lagu qalqal galinayo bulshada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles