Koox Burcad ah oo Sii Daayay Markab Kaluumaysi oo Laga Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in koox burcad ah ay ugu dambeyntii sii daayeen markab kalluumeysi oo laga afduubtay xeebaha Soomaaliya 27-kii November 2024.

Markabkan, oo ay saarnaayeen 18 shaqaale kana diiwaangashan dalka Shiinaha, ayaa u adeegayay shirkad kalluumeysi oo laga leeyahay Taiwan. Shirkaddan ayaa kalluunka u iibgeysa dalalka Spain iyo Talyaaniga, waxaana wakiil ka ahaa ganacsato ka soo jeeda Puntland.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay xeebaha degmada Xaafuun ee gobolka Bari. Tan iyo markii uu markabku gacanta u galay burcadda, waxaa socday wadahadallo adag oo u dhexeeyay ganacsatada markabka iska leh iyo kooxdii qafaashtay.

Kooxdii burcadda ahayd ayaa markii hore ku adkeysatay dalab madax-furasho ah oo gaaraya $10 milyan. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallada oo socday muddo dheer ayaa ugu dambeyn sababay in kooxdu ku qanacdo $2 milyan oo madax-furasho ah. Lacagtaas ayaa lagu bixiyay, taas oo horseedday sii daynta markabka.

Xeebaha Soomaaliya ayaa caan ku noqday afduubyada loo geysto maraakiibta caalamiga ah, inkastoo sannadihii dambe ay hoos u dhacday awooddii iyo saameyntii burcad-badeedda Soomaalida. Falalkan, oo saamayn ku yeeshay maraakiibta ganacsi ee caalamiga ah, ayaa weli laga dareemayaa qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

WARARKII KALE

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Hindiya oo Soomaaliya Kala Hadashay Afduubka Laba Markab iyo 22 Badmaax oo Hindi ah

Hindiya ayaa Soomaaliya kala hadashay afduubka laba markab oo...

Iiraan oo Cumaan iyo Masar kala tashatay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadaxaajoodyada loona yareyn lahaa xiisadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa taleefanno kala...

Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale

Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi’iyay siyaasadda...

Trump oo markale Marinka Hormuz ku tilmaamay inuu yahay “dhul Mareykan ah”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa baraha bulshada soo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles