Thursday, February 6, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalay munaasabad uu kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Qaahira ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, Masar.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa jaaliyadda siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka dalka iyo xaaladda uu marayo xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Masar. Sidoo kale, jaaliyadda oo ka kooban ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka Masar iyo ganacsatada halkaas ku dhaqan ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo cabashooyin si loo horumariyo taageerada loo fidiyo.

Munaasabadda oo ku dhammaatay guul ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, Amb. Cali Cabdi Awaare; Danjiraha Djibouti ee Masar, Amb. Axmed Cali Barre; Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Daahir Maxamuud Geelle; iyo diblomaasiyiin ka kala socday Safaaradda JFS iyo Safaaradda Djibouti.

WARARKII KALE

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Gudoomiyy Kulanka Guddiga Joogta ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Turkiga oo xusaya sannadguuradii 2aad ee dhulgariirkii ay dadka badan ku dhinteen

Xusas ayaa ka socda Turkiga, kuwaasoo lagu xusayo laba...

Golaha wasiiradda XFS oo bogaadiyey hawlgalka Daacish

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada...

Shirweynaha xeer ilaaliyeyaasha Soomaaliyeed oo galay maalintii labaad

𝗦𝗵𝗶𝗿𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝟳𝗮𝗮𝗱 𝗲𝗲 x𝗲𝗲𝗿 i𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 ayaa maanta galay...

Masar oo ka hor timid qorshaha Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles