Wasiirka Arrimaha Dibedda oo Kulan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amb. Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar, ayaa magaalada Qaahira kaga qeybgalay munaasabad uu kulan kula yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Kulankan oo ay soo qabanqaabisay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ee Qaahira ayaa lagu qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Qaahira, Masar.

Intii uu socday kulanka, Wasiirka ayaa jaaliyadda siiyey warbixin faahfaahsan oo ku saabsan horumarka dalka iyo xaaladda uu marayo xiriirka wanaagsan ee labada dal ee Soomaaliya iyo Masar. Sidoo kale, jaaliyadda oo ka kooban ardayda wax ka barata jaamacadaha dalka Masar iyo ganacsatada halkaas ku dhaqan ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladahooda iyo caqabadaha ay la kulmaan, iyaga oo soo jeediyey talooyin iyo cabashooyin si loo horumariyo taageerada loo fidiyo.

Munaasabadda oo ku dhammaatay guul ayaa waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee dalka Masar, Amb. Cali Cabdi Awaare; Danjiraha Djibouti ee Masar, Amb. Axmed Cali Barre; Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya, Md. Daahir Maxamuud Geelle; iyo diblomaasiyiin ka kala socday Safaaradda JFS iyo Safaaradda Djibouti.

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles