C/kariim Guuleed oo eedeyn u jeediyay MW Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa warqad furan u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kaga hadlay dhaliil xoogan uu u haayo Dowladda iyo jihada ay hadda kuwado Siyaasadda dalka.

Guuleed oo door weyn ku lahaa abaabulka siyaasadeed ee bilawgii hore ee lagu taageeray in Xasan Sheekh talada dalka qabto, isla markaana muddooyinkii u dambeeyay ahaa ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan wada hadallada Somaliland, ayaa walaac xooggan ka muujiyey jihaynta dalka.

“Mudane madaxweyne…. Anigoo ka mid ah saaxiibada kuugu aqoonta badan dadka siyaasadda ku jira maanta, wax badana xeerinaya, hadana xaalka uu maanta dalku ku jiro fasax iima siinayo inaan indhaha ka qabsado, oo aan sugo inta ay wax walba ka baxayan gacanta Soomaalida.” Ayuu yiri.

Qoraalka ayaa waxaa uu intaasi ku daray” Mudane madaxweyne Doorashada halka dhinac ah ee aad haatan ku mashquulsantahay waxay dalka galin doontaa fowdo amni, firaaq maamul iyo in ummaddu sii kala foggaato, taladuna ay ka baxdo gacanta Soomaalida. Waxaan kugula talinayaa mudane madaxweyne inaad waaqica usoo laabato, doorashada dhexda soo dhigto, hormuudka siyaasadda kaalintooda siisid..”

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles