Sunday, June 1, 2025

Ciidamada ammaanka oo Xabsiga dhigay Madaxweyne ku xigeenka Koofurta Suudan

Madaxweyne ku-xigeenka Koofurta Suudaan, Riek Machar ayaa xalay xabsiga la dhigay, kaddib markii ay gurigiisa weerarreen ciidan wata 20 gaari oo kuwa gaashaaman ah , sida ay baahiyeen warbaahinta Sudan iyo Al-jazeera.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa ay la wareegeen hubkii ay heysteen ilaalada madaxweyne ku-xigeenka , sida lagu baahiyay warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga uu hoggaamiyo Riek Machar.

Warxaafadeedka ayaa lagu sheegay in sheegay inaysan garanayn halka la geeyay Machar, waxayna xarigiisa ku sheegeen tallaabo xad-gudub ah.

Xarigga Riek Machar, ayaa dib usoo celiyay walaaca laga qabo dagaal sokeeye oo mar kale dib ugu qarxa Koofurta Suudaan., Xilli safaaradda Mareykanka iyo safaaradaha kale ay durba billaabeen inay shaqaalahooda kala baxaan magaalada Jubba.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo saartay digniin la xiriirta in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan uu sabab u noqdo dagaal burbur u horseeda Koonfurta Suudaan, waxaana loogu baaqay labada dhinac wada-hadal inay dhammeeyaan khilaafka.

Waxaa la soo sheegayaa in madax badan oo sare oo ka tirsan Koonfurta Suudaan ay ka warheleen xariga Machar, taasoo keentay in heshiiskii nabadda uu halis galo, isla markaana ay dalka ka dhalato hubanti la’aan siyaasadeed.

Xiisadda ka alloosan Koofurta Sudan ayaa sii xumanaysa tan iyo markii uu gobalka Upper Nile uu ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyad sida la shegay tabacsan madaxweyne ku-xigeenka Machar, iyada oo dowladdu ku eedeysay xisbiga SPLM-IO in ay lug ku leedahay dagaalkaasi.

Xariga Machar ayaa abuuray walaac weyn oo ku aaddan xasilloonida heshiiskii nabadeed ee 2018, kaas oo lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee muddada dheer socday

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay waqtiga la qaban doono Gogosha Wadatashiga Siyaasiinta iyo Hoggaamiyeyaasha Bulshada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Shirka Golaha Wasiirrada oo Lagu Lafaguray Amniga iyo Xasilinta Dalka

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay...

Taliyaha NISA oo markale loo magacaabay Mahad Salaad

Golaha Wasiirrada Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir...

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn ka fuliyay saldhigyo Daacish ay ku leeyihiin Gobolka Bari

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada Mareykanka ayaa xalay duqeyn culus...

Turkiga oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageeri doono amniga iyo dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka...

Weerar lagu qaaday fariisin ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Galgaduud

Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug oo garab ka helaya ciidamo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles