Shacabka degaanka iyo Ciidamada Amniga oo iskaashanaya ayaa gacanta ku dhintay saddex Nin oo la sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay falal dhac ah ka geysanyeen Xaafada Barwaaqo ee degmada Deyniile, iyagoo dhibaato ku hayey dadka Shacabka ah.
Raggan la qabtay ayaa dadka ka dhici jiray taleefoonada iyo waxyaabaha kale ay wateen, iyagoona ku dhibaateyn jiray xaafadaha degmada Deyniile.
Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Shacbaka kunool degmada Deyniile waxaa ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysnaya.kuwaasi oo qaarkooda dadka dila.
Tallaabooyinka ayaa qayb ka noqonaya howlgallada ay ciidamada booliska Soomaaliyeed ku sugayaan amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.


