Ciidamada Iran oo sheegay in ay rasaas digniin ah ku rideen Markab dagaal oo Mareykan ah

Waaxda xiriirka dadweynaha ee ciidamada Iran ayaa ku dhawaaqday in ciidanka badda ee dalkaasi ay rideen rasaas digniin ah oo ku wajahnay maraakiibta dagaalka ee Maraykanka nooca wax-burburiya ee ku sugnaa badda Cuman.

Telefishinka dowladda Iran ayaa sidoo kale baahiyay muuqaallo uu sheegay inay muujinayaan xilligii digniinta la bixiyay.

Muuqaalladaas waxaa ka muuqda qalab oo gantaal ridaya iyo sidoo kale daqiiqadda la diray diyaarad aan duuliye lahayn .

Bayaan ay ciidamada Iran soo saareen, oo lagu daabacay warbaahinta dowladda, ayaa lagu yiri:“Kadib digniino lagu bixiyay gantaalka Qadeer iyo diyaaradaha cusub ee weerarka qaada ee aan duuliyaha lahayn,maraakiibtii dagaalka ee soo galay aagga waxay ka baxeen Badda Cumaan iyagoo u jihaystay bad-weynta Hindiya”

Sida bayaanka lagu sheegay, tallaabadan ayaa lagu qaaday iyadoo lagu sheegay inay qayb ka tahay hawlgallada lagula dagaallamayo waxa Iran ku tilmaantay “qalalaasaha badda, dhibaateynta maraakiibta, iyo afduubka maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada” ee ay ku eedeysay ciidanka badda ee Mareykanka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles