Mareykanka iyo Israa’iil ayaa lagu warramayaa inay si hoose uga shaqeynayaan arrin aan caadi ahayn oo ay ku doonayaan in masaajidka Al Aqsa ee ku yaal Qudus oo ah goobta saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka uu noqdo goob ay si rasmi ah Israa’iil ula wareegto , waxaana loo rogayaa masaajidka goob Yahuudda gudihiisa ay ku cibaadaysan karaan.
Qorshahan waxaa la sheegay inuu si gaar ah uga shaqeynayo Jared Kushner oo ah Yahuuddi uu soddog u yahay Trump oo la aaminsanyahay inuu yahay maskaxdii hindistay barnaamijka Abraham Accords oo Israa’iil u fududeynaya inay noqoto awoodda Bariga Dhexe iyo mid saameyn ku leh dalalka Muslimiinta caalamka , kaasoo hadda mar kale doonaya masjidka Al Aqsa in loo rogo meel u furan diimaha oo dhan, halkii uu noqon lahaa goob ay Muslimiinta keliya salaadaha ku tukadaan.
Qorshaha wuxuu yahay;
- In Masjidka Al Aqsa laga dhigo goob ay diimo kala duwan si siman u isticmaali karaan.
- In Yuhuudda loo oggolaado gelitaan la mid ah kan Muslimiinta.
- In Israa’iil yeelato awood ay ku oggolaato ama ku diido imaamyada iyo khudbadaha laga jeedinayo masjidka.
- Iyo in si rasmi ah loogu oggolaado Yuhuud ah gudaha masjidka inay ku cibaadeystaan.
Qorshahan , waxaa kaloo qayb ka ah in meesha laga saaro nidaamka hore ee maamulka masjidka, oo ka soo bilowday xilligii Cusmaaniyiinta qarnigii 19aad,
isla markaana lagu xoojiyay heshiisyada dhacay markii Israa’iil ay qabsatay bariga Qudus, sannadkii 1967 iyo markii dambe heshiiskii Mareykanka–Israa’iil–Jordan ee 2014, oo dhigayay in masjida lagu ilaaliyo inay Muslimiintu ku cibaadeystaan, halka dadka kale loo oggol yahay inay keliya soo booqdaan.
Laakiin heshiisyadan oo dhan waxay ahaayeen kuwa hoos u dhacayay, illaa si cad loo arkay dagaalka Qasa ee 2023 soo bilowday ka dib inay Israa’iil isku dayaysay xakameynta masjidka oo ay ka dhacayeen xad-gudubyo mas’uuliyiinta Israa’iil ay ku galayeen masjidka.
Ingiriiska ayaa noqday dalkii u horreeyay ee ka digay qorshahan , iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ay sheegtay;
“Waa in la ixtiraamaa doorka Jordan ee ah maamulka ilaalinta goobaha barakeysan, sidoo kalena waa in la ilaaliyaa xaaladda taariikhiga ah ee hadda jirta.”
Balse markii qorshahan la waydiiyay xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio , wuxuu yiri ; “Xaqiiqdii kama war hayo wararkaas… waligay ma maqal.”
Dadka falanqeeya xaaladda masjidka Al Aqsa , waxay leeyihiin haddii maamulka masjidka la beddelo oo la sameeyo hay’ad cusub oo ay Israa’iil dhisto, isla markaana masjidka loo beddelo meel dalxiis, waa tijaabadii u dambeysay oo Israa’iil ay ku kicinayso dareenka Muslimiinta, taasoo dhalin karta qalalaase caalami ah.


