Thursday, August 13, 2026

Ciidamada Puntland oo Laba Jibbaaray Howlgalada Ka Dhanka ah Daacish

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe si weyn u laba jibbaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka wada gobolka Bari. Maalmihii la soo dhaafay, ciidanka ammaanka Puntland ayaa si degdeg ah ugu guuleystay inay gaaraan deegaano hor leh iyo fariisimo cusub oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo ahaa bar-tilmaameedyo muhiim ah.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta hawlgalkii qorshaysnaa ku fuliyay buuraha CALMIS, halkaas oo ay kaga dileen dagaalamayaal ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay dileen “Ajaanib Daacish ka tirsan.”

Puntland ayaa shaacisay in faahfaahin dheeraad ah laga soo gudbin doono warbixinta hawlgalkan, iyadoo la rajeynayo inay soo bandhigi doonaan xog dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha iyo guulaha la gaadhay.

Sidoo kale, saraakiisha ciidanka Puntland ayaa caddeeyay in howlgalada ka dhanka ah Daacish ay sii socon doonaan, iyagoo ballan qaaday in dagaalka lagula jiro kooxdan argagixisada ah uu sii xoogeysan doono, isla markaana la tijaabin doono awooda iyo kartida ciidamada Puntland si looga takhaluso joogitaanka Daacish ee gobolka.

Horay Puntland ayaa u sheegtay inay bilaabi doonto howlgallo culus oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee Daacish, waxaana ciidanka Puntland ay ku jiraan dadaallo xooggan oo lagu sugayo amniga gobolka Bari iyo guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles