Thursday, July 10, 2025

Ciidamada Puntland oo Laba Jibbaaray Howlgalada Ka Dhanka ah Daacish

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa maalmahan dambe si weyn u laba jibbaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka wada gobolka Bari. Maalmihii la soo dhaafay, ciidanka ammaanka Puntland ayaa si degdeg ah ugu guuleystay inay gaaraan deegaano hor leh iyo fariisimo cusub oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, kuwaas oo ahaa bar-tilmaameedyo muhiim ah.

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa maanta hawlgalkii qorshaysnaa ku fuliyay buuraha CALMIS, halkaas oo ay kaga dileen dagaalamayaal ajaanib ah oo ka tirsan kooxda Daacish.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ee Puntland ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay dileen “Ajaanib Daacish ka tirsan.”

Puntland ayaa shaacisay in faahfaahin dheeraad ah laga soo gudbin doono warbixinta hawlgalkan, iyadoo la rajeynayo inay soo bandhigi doonaan xog dheeri ah oo ku saabsan khasaaraha iyo guulaha la gaadhay.

Sidoo kale, saraakiisha ciidanka Puntland ayaa caddeeyay in howlgalada ka dhanka ah Daacish ay sii socon doonaan, iyagoo ballan qaaday in dagaalka lagula jiro kooxdan argagixisada ah uu sii xoogeysan doono, isla markaana la tijaabin doono awooda iyo kartida ciidamada Puntland si looga takhaluso joogitaanka Daacish ee gobolka.

Horay Puntland ayaa u sheegtay inay bilaabi doonto howlgallo culus oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee Daacish, waxaana ciidanka Puntland ay ku jiraan dadaallo xooggan oo lagu sugayo amniga gobolka Bari iyo guud ahaan dalka.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 09/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Madaxweynaha Hirshabelle oo Xariga Xarumaha Caafimadka iyo Wadooyinka (SCRP)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)...

Taliye Asad oo gaadiid dagaal kala wareegay Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

RW Xamse”Federaalka looma keenin kala qeybin bulsho iyo faragelin shisheeye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka...

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay xerada Kulliyada Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Qaraxaan ismiidaaminta ah oo daqiiqado  ka dhacay xerada ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles