Monday, May 12, 2025

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo si rasmi ah u Shaaciyay Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow la filayaa inay qabtaan shir jaraa’id, kaas oo ay ku shaacin doonaan habraaca iyo nidaamka doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu ka dhacdo xarunta guddiga, waxaana warbaahinta loo yeeray si ay u soo tabiyaan ku dhawaaqista qorshayaasha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka dhici doona.

Guddiga ayaa si gaar ah ugu dhawaaqi doona qaabka ay u qorsheeyeen in doorashooyinka dalka lagu qabto iyo sida ay uga go’an tahay in doorashooyin hufan oo daahfuran loo sameeyo. Waxaa si weyn loo sugayaa dardargalinta iyo hirgelinta doorashooyinka, iyadoo la rajeynayo inay dhacaan si cadaalad ah oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Shirkan jaraa’id ayaa noqon doona mid muhiim ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa faahfaahinta habraaca doorashooyinka iyo xilliga ay bilaaban doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay guddigan, isagoo horey uga sheegay inuu ka go’an yahay in dalka ka dhaco doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan sidii dalka loogu diyaarin lahaa doorashooyin madax-bannaan oo dhameystiran.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles