Thursday, August 13, 2026

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka oo si rasmi ah u Shaaciyay Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow la filayaa inay qabtaan shir jaraa’id, kaas oo ay ku shaacin doonaan habraaca iyo nidaamka doorashooyinka dalka.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu ka dhacdo xarunta guddiga, waxaana warbaahinta loo yeeray si ay u soo tabiyaan ku dhawaaqista qorshayaasha doorashooyinka ee dhawaan dalka ka dhici doona.

Guddiga ayaa si gaar ah ugu dhawaaqi doona qaabka ay u qorsheeyeen in doorashooyinka dalka lagu qabto iyo sida ay uga go’an tahay in doorashooyin hufan oo daahfuran loo sameeyo. Waxaa si weyn loo sugayaa dardargalinta iyo hirgelinta doorashooyinka, iyadoo la rajeynayo inay dhacaan si cadaalad ah oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ay fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan.

Shirkan jaraa’id ayaa noqon doona mid muhiim ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa faahfaahinta habraaca doorashooyinka iyo xilliga ay bilaaban doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay guddigan, isagoo horey uga sheegay inuu ka go’an yahay in dalka ka dhaco doorasho qof iyo cod ah.

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan sidii dalka loogu diyaarin lahaa doorashooyin madax-bannaan oo dhameystiran.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya...

 DFS oo maanta saraakiil ciidan geysay Beledxaawo ee Gedo

Taliyaha Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl...

Muwaadin Soomaali ah oo Britain lagu maxkamadeynayo

Mohamed Mohamoud, oo 22 jir ah, ayaa wajahaya maxkamad...

Ukraine oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa la sheegay inuu Yurii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan yahay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles