Ciidamada Qaranka iyo Uganda oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole

Ciidamada huwanta ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellada Hoose oo halkaasi ay ka talinayeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

La wareegista deegaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii 15 maalmood uu dagaal iyo duqeymaha ay ka socdeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Ibrahim Aadan Ali Najah oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga oo ay kaashanayaan ciidamada AUSSOM ay gacanta ku dhigeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Al-shabaab ay mudooyinkii dambe ay dadka ku dhibaateyn jireen deegaankaasi.

Waxaa uu shaaca ka qaaday inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-shabaab, isagoona shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada Qaranka.

Deegaanka Sabiid iyo Caanoole ayaa hadda maamulaya ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika ee Uganda, iyadoona halkan Miino Baaris ah ka wada deegaanka.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles