Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Guutada 8-aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Deynuunaay, oo ku yaalla gobolka Baay.

Howlgalkaan oo si taxadar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo iyo fariisimo ay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab ku lahaayeen duleedka deegaankaas. Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in weerarka lagu dilay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwa kalena ay goobta ka firxadeen.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay goobo muhiim ah oo ay Al-shabaab u adeegsan jireen xarumo tababar, kayd hub iyo saldhigyo istiraatiiji ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo agab ciidan iyo dukumeenti muujinaya qorshayaal ay kooxdaasi damacsanayd in ay ku dhibaateeyaan shacabka deegaanka.

Saraakiisha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo deegaannada weli gacanta ugu jira kooxaha argagixisada. Wuxuu intaasi ku dareen in ciidamada ay wadaan baaritaanno dheeri ah si loo xaqiijiyo amniga guud ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen labada guddoon ee BFS?

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa Itoobiya oo si nabad ah ku gaaray Ceel-Barde

Askartii Soomaaliyeed ee ku xirnaa dalka Itoobiya ayaa maanta...

Puntland oo Gaalkacyo ka mamnuucday qaadashada hubka

Wareegtada ayaa lagu xusay in sharciga Nabadgelyada Guud ee...

RW Xamsa oo gaaray Jeddah iyo Sacuudiga oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa...

Dagaalka Mooyaale oo maalintii afraad galay

Dagaal culus ayaa maalintii afraad oo xiriir ah ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles