Monday, January 26, 2026

Daacish oo weerar ku qaaday ciidamada Puntland

Dagaal xooggan oo saacado badan qaatay ayaa tan iyo ilaa saaka ka socda buuraha Xabley ee degmada Ufayn ee gobolka Bari, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaadka Daacish.

Dagaalka oo si gaar ah uga dhacay degaanka Dhaban-qooxle ee buuraha Xabley, kaddib markii koox ka tirsan maleeshiyaadka Daacish soo weerareen saldhig ciidan, oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ku leeyihiin Dhaban-qooxle.

Ciidamada difaaca Puntland oo heegan sare ku jiray ayaa ka hortagay weerarka ka yimid kooxda Daacish, waxaana la sheegay in dagaalka lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan Kooxda, iyadoona weli la soo werinayo inuu socda dagaalka.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada difaaca Puntland ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalkaasi oo weli socda, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 6 askari oo kale, kuwaasi oo qaarkood dhaawacyo fudud qabaan, sida ay sheegayaan wararka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee maamulka Puntland.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles