Sunday, July 26, 2026

Dabley hubeysan oo weerar ku qaadday madaxtooyada dalka Chad

Dowladda Chad ayaa sheegtay in sagaal iyo toban qof lagu dilay weerar lagu qaaday xarunta madaxtooyada ee caasimadda N’Djamena.

Dhamaan kooxdii weerarka soo qaadday ayaa la dilay sida wararku sheegayaan. Qof ka mid ah sagaal iyo tabanka qof ee dhintay ayaa ka mid ahaa ilaalda madaxtooyada.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii dhawaqa rasaasta laga maqlay xaruunta madaxtooyada, waxaana wadooyinka lagu arkayay Taangiyo. Ilo-wareedyo ku dhow dowladda ayaa sheegay weerarka ay fuliyeen wax ay ku tilmaameen “argagixiso”.

Sida qaar ka mid ah warbaahinta gudaha dalkaasi ay ku warramayaan dableyda weerarka soo qaadday ayaa loo maleynayaa in ay ka tirsanyihiin kooxda Boko Haram.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa isku dayay inuu hoos u dhigo weerarka kaas oo yimid maalin kadib markii Chad ay marti galisay wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iiraan oo sheegtay inay iska difaaci doonto hanjabaadaha Maraykanka

Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay difaacdo...

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan  Sanaag

Dagaal beeleed ayaa maanta markale ka dhacay deegaanka Laashimo...

Wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya oo soo bandhigtey waxqabadkeeda muddo 4 sano ah

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

MW Xasan Sheekh oo ku Wajahan Furimaha Dagaalka ee Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan...

Mareykanka oo Soomaaliya iyo Eritrea kala hadlaya Amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Dowladda Mareykanka ayaa billowday wada-hadallo ay la yeelaneyso Soomaaliya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles