Wednesday, June 17, 2026

Dad is qoys ah oo lagu dilay Magaalada Mandheere

Ugu yaraan lix qof oo isku qoys ahaa ayaa lagu dilay weerar  ka dhacay hoygooda oo ku yaalla magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Weerarka, oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aano qabiil, ayaa daba socday colaado soo noqnoqday oo dhawaanahan ka taagnaa dhulka miyiga ah ee gobolka.

Cabdulaahi Macalin Xasan, oo ah walaalka ninka qoyskiisa la laayay, ayaa sheegay in weerarku uu dhacay saqdii dhexe iyadoo koox hubeysan ay si ula kac ah u beegsadeen guriga dadka la dilay. “Waxay u muuqataa in si gaar ah loo bartilmaameedsaday, waayo dadka deriska ah lama taaban,” ayuu yiri Cabdulaahi isagoo la hadlayay warbaahinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in colaadan muddo ay ka taagneed deegaano hoostaga magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Barri Kenya.

Mas’uuliyiinta gobolka Mandheera ayaan weli si rasmi ah uga hadlin weerarka, hase yeeshee ilo amni ayaa sheegay in baaritaan la billaabay, iyadoo lagu raad joogo dadkii ka dambeeyay falkan foosha xun.

Weerarkan ayaa abuuray cabsi xooggan, iyadoona laga cabsi qabo in colaada ay ku faafto deegaanada kale ee hoostaga magaalada Mandheere ee Gobolka Waqooyi Barri.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqaymaha Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan oo sii kordhaya

Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka...

Somaliland oo ka hadashay eedeymihii Saldhigga Israa’iil iyo Xarunta Sirdoonka

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland, Maxamed Yuusuf Cali, ayaa sheegay inaysan...

Jubbaland oo DFS ku eedeysay Xirnaanshaha Garoonka Doolow

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay...

Mareykanka oo G/Jubbada Hoose ku dilay qoys rayid ah iyo caruur kadib duqeyn ay fuliyeen

Warbixinta uu qoray wargeyska The Guardian ayaa lagu sheegay...

Burcad-badeed Hubeysan oo Weerarro Ka Fuliyay Xeebaha Yemen iyo Soomaaliya

Koox Burcad badeed hubeysan ayaa waxaa ay weerar ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles