Thursday, July 2, 2026

Dad joogay goob tacsi ah oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Daroones-ka ayaa bartilmaamedsaday goob uu aas ka dhacayay bannaanka magaalada Al-Ubeyd ee ku taal waqooyiga Suudaan ee gobolka Kordofan, ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay sida ay sheegeen saraakiil iyo qareeno.

Dadka baroor-diiqayey oo isugu soo ururay teendho, ayaa sheegay in weerarkii Sabtidii ay fuliyeen ciidamada RSF. Kooxda ayaan wali ka hadlin.

Dad badan ayaa dhintay ka hor inta aan la gaarin isbitaalka magaalada istiraatiijiga ah ee Al-Ubeid, taasoo isku xirta caasimadda Khartoum iyo galbeedka Darfur.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Kordofan ee qaniga ku ah saliidda.

Ku dhawaad ​​20,000 oo qof ayaa u qaxay dhanka Al-Cubeyd kadib markii ciidamada Suudan ay qabsadeen magaalada Bara oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Al-Cubeyd todobaadkii hore.

Magaaladu waxa ay gacanta u gashay RSF isla wakhtigii ay qabsadeen El-Fasher taas oo ahayd fariisinkii ugu dambeeyay ciidamada ee Darfur.

Wixii markaas ka dambeeyay, dil wadareed, xadgudub galmo, afduub iyo bililiqo ballaaran ayaa lagu soo waramayaa inay ka geysteen el-Fasher ciidamada RSF.

WARARKII KALE

Mareykanka iyo Sacuudi oo isku khilaafay dagaalka Iran

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay daabacday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles