Dad ku dhintay dibadbaxyada ka socda Morocco

Ugu yaraan labo qof ayaa lagu dilay Morocco kaddib markii boolisku rasaas fureen si ay uga hortagan dibadbaxayaal doonayay in ay galaan saldhigga booliska Lqliaa sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Waa dhimashadii ugu horeysay ee la soo sheego ilaa iyo markii ay qarxeen dibadbaxayada ay dhallinyarda horkacayeen ee ka bilowday dalka Sabtigii. Dhallinyarada ayaa ka careysnaa go’aanka dowladda ee lagu dhisayo garoomo kubbadda cagta lagu qabto koobka adduunka ee 2030-ka halkii ay sare ugu qaadi lahaayeen adeegyada guud iyo dhaqaalaha.

“Halkan garoomo way ku yaalaan, balse aaway isbitaaladii?” ayey ku dhawaaqayeen dhallinyarada dibadbaxeysay.

Mid ka mid ah dadka dibadbaxayay ayaa u sheegay BBC in isbitaalka magaalada Oujda oo u dhaw xadka Algeria uu la mid yahay “xabsi”.

Dibadbaxyada ayaa dhacayay habeenkii, waxayna boolisku sheegeen in ay ku qasbanaadeen in ay adeegsadaan rasaas si ay uga hortagaan “weerar” sidaasina waxaa sheegay wakaalada wararka ee dalka.

Tirakoobka heerka shaqo la’aanta Maroco ayaa gaarsiisan 12.8% iyadoo dhallinyarada aan shaqada haysan ay gaarayaan 35.8%. 19% oo ka mid ah tiradaas waa jaamiciyiin sida ay sheegtay wakaalada wararka Reuters.

Isbahayasiga maamula dowladda Morocco ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayan in ay diyaar u yihiin wadahadal in ay la galaan dhallinayrada si loo helo xal macquul ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles