Dad ku dhow 30 ruux oo ka badbaaday diyaarad ku burburtay Khazakhistan

Ugu yaraan 29 qof ayaa ka badbaaday ka dib markii diyaarad u ku burburtay meel u dhow magaalada Kazakh ee Aktau, iyadoo laga cabsi qabo in rakaab kale ay ku dhinteen shilkan diyaaradeed.

Laba ka mid ah 29-ka qof ee badbaaday waa carruur, mas’uuliyiintu waxay sheegeen, iyagoo intaas ku daray in dhammaantood loo qaaday isbitaal u dhow.
Muuqaal laga soo duubay shilkan diyaaradeed ayaa waxaa ka muuqanayay dadkii ka badbaaday shilkan oo ka soo baxeen diyaaradda burburtay.

Diyaaradda Azerbaijan Airlines ee J2-8243 oo ay saarnaayeen 67 rakaab ah, ayaa ka soo duushay caasimadda Asarbayjaan ee Baku kuna sii jeeday Grozny ee gobolka Chechnya ee Ruushka ka hor inta aysan si degdeg ah u degin meel qiyaastii 3 kiiloomitir u jirta Aktau.

Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ah ee Kazakhstan ayaa sheegtay in kooxaheedu ay heleen diyaaradda oo gubanaysa markii ay goobta timid iyada oo cutubyo samatabbixin ah ay damiyeen dabka.

Muuqaal laga soo duubay shilkan diyaaradeed ayaa muujinayay diyaaradda oo si khaldan u wareegaysa garoonka ka hor inta aysan dhicin shilka.
Markii ay dhulka ku dhacday, diyaaradda ayaa holac ka kacay.
iyadoo rakaab dhiig kleh ay ka soo baxeen burburka diyaaradda wax yar ka dib.

Waaxda duulista hawada ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xogta hordhaca ah ay soo jeedinayso in duuliyuhu uu go’aansaday inuu si deg deg ah u dajiyo ka dib markii uu shimbiro ku dhuftay.

Waxaa saarnaa 62 rakaab ah iyo 5 shaqaale ah, wasaaradda gaadiidka ee Kazakhstan ayaa ku sheegtay warbixin horudhac ah. Waxa ay sheegtay in 37 ka mid ah rakaabka ay ahaayeen muwaadiniin Azerbaijan, lix u dhashay Kazakhstan, saddex Kyrgyzstan ah, iyo 16 u dhashay Ruushka, sida lagu sheegay xogta hordhaca ah.

Dowladda Kazakhstan ayaa u saartay guddi baaritaan ku sameeya waxa sababay burburka diyaaradda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles