Dagaal Beeleed ka Socda Duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo isku haya dhul daaqsiin ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada Weelgaduud oo ay deggan yihiin xoolo dhaqato, waxaana la sheegay in xiisadda ay salka ku hayso muran la xiriira lahaanshaha iyo isticmaalka dhulka daaqsinka.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay halka hal ruux oo kale uu dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladdu weli kacsan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii fido haddii aan la helin waan-waan iyo dhex-dhexaadin degdeg ah.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed kaasi oo ku aadan in ay kala dhex galaan dagaal beeleed ka socda duleedka Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles