Dagaal Beeleed ka Socda Duleedka Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo isku haya dhul daaqsiin ah.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada Weelgaduud oo ay deggan yihiin xoolo dhaqato, waxaana la sheegay in xiisadda ay salka ku hayso muran la xiriira lahaanshaha iyo isticmaalka dhulka daaqsinka.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh. Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay halka hal ruux oo kale uu dhaawac soo gaaray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xaaladdu weli kacsan tahay, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku sii fido haddii aan la helin waan-waan iyo dhex-dhexaadin degdeg ah.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofur Galbeed kaasi oo ku aadan in ay kala dhex galaan dagaal beeleed ka socda duleedka Baydhabo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles