Booliska Banaadir oo Shaaciyay Howlgal Lagu Baadi-goobayo Hub Sharci-darro ah

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo lagu kala qariyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in hubkan ay lahaayeen maleeshiyaadkii weerarka ka geystay degmadaasi, islamarkaana lagu qariyay goobo kala duwan, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu soo qabanayo cid kasta oo ku lug leh kaydinta ama dhaqdhaqaaqa hubka sharci-darrada ah.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ku nool degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa adkeeyay inaan la aqbali doonin in hub sharci-darro ah lagu keydiyo guryaha ama goobaha shacabka, iyagoo xusay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falalkaasi.

Dhanka kale, dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inay hay’adaha ammaanka ku wargeliyaan goob kasta oo lagu tuhmo in lagu qariyay hub sharci-darro ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles