Booliska Banaadir oo Shaaciyay Howlgal Lagu Baadi-goobayo Hub Sharci-darro ah

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay bilaabeen howlgal lagu ururinayo hub sharci-darro ah oo lagu kala qariyay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in hubkan ay lahaayeen maleeshiyaadkii weerarka ka geystay degmadaasi, islamarkaana lagu qariyay goobo kala duwan, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo lagu soo qabanayo cid kasta oo ku lug leh kaydinta ama dhaqdhaqaaqa hubka sharci-darrada ah.

Sidoo kale, hay’adaha ammaanka ayaa shacabka ku nool degmada Cabdicasiis iyo nawaaxigeeda ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida magaalada Muqdisho.

Booliska ayaa adkeeyay inaan la aqbali doonin in hub sharci-darro ah lagu keydiyo guryaha ama goobaha shacabka, iyagoo xusay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo falalkaasi.

Dhanka kale, dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inay hay’adaha ammaanka ku wargeliyaan goob kasta oo lagu tuhmo in lagu qariyay hub sharci-darro ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles