Shariif oo shaaciyay qodobada lagu heshiiyay in lagu damiyo xiisada Muqdisho

Xisbiga Himilo Qaran ayaa faahfaahiyay heshiis hordhac ah oo ay garwadeen ka tahay Beesha Caalamka, kaasoo dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka, kadib xiisadihii siyaasadeed iyo kuwa amni ee maalmihii u dambeeyay ka jiray magaalada Muqdisho.

Heshiiska lagu xakameynayo xiisadda ayaa ka kooban shan qodob oo muhiim ah:

In si shuruud la’aan ah xabbad-joojin u sameeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka.

In la kala qaado ciidamada labada dhinac si loo yareeyo xiisadda colaadeed.

In dib loo bilaabo wadahadalladii siyaasadeed ee looga arrinsanayay masiirka dalka iyo hanaanka loo wajahayo marxaladda kala guurka siyaasadeed.

In loo oggolaado ciidamada la sheegay in la soo khalday inay qaataan gaadiidkii laga gubay iyo agab kale.

In ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan u dhawaan karin xarunta cusub ee xisbiga Himilo Qaran ee ku taalla degmada Cabdi Casiis gaar ahaan xeebta Liido.

Horumarkan siyaasadeed ayaa meesha ka saaraya hadalladii dowladda ee ahaa in mucaaradka awood ciidan lagu maquuniyay ama ay isa soo dhiibeen, iyadoo heshiiskan uu muujinayo dadaal cusub oo lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale, heshiiska ayaa loo arkaa tallaabo Soomaaliya ugu sii dhawaaneyso hannaan doorasho iyo kala guur siyaasadeed oo loo dhan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 09 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal...

Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar...

Biyo-xireenka iyo Buundada Sabuun oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Dowladda Hirshabeelle oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles