Turkiga oo Xoogga Saaraya Dhex-dhexaadinta Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka

Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadday dadaallada ay ku doonayso inay ku qaboojiso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo wafdi Turki ah oo ay ku jiraan diblomaasiyiin iyo saraakiil amni ay kulamo gaar-gaar ah ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubno ka socda Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ay qeyb ka yihiin wafdiga ku sugan Muqdisho, kuwaas oo wada dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadda, xilli uu jiro khilaaf xooggan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo marxaladda kala guurka siyaasadeed.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamay in wafdiga Turkiga uu kulamo la yeeshay madax ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin mucaarad ah, si dhinacyada loogu qanciyo inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro xiisadda taagan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay kulan la yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la filayo inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo Ankara ay sheegtay inay waddo dadaallo nabadeed iyo dhexdhexaadin, haddana qaar kamid ah mucaaradka ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu si toos ah ugu milmay arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana uu taageerayo mowqifka Villa Somalia, taasoo dhalisay shaki ku saabsan dhexdhexaadnimadiisa.

Dhanka kale, xubnaha Beesha Caalamka ayaa kordhiyay cadaadiska ay saarayaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, iyagoo ku baaqaya in laga fogaado xiisad amni iyo isku dhacyo siyaasadeed oo hor leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku...

Sheekh Shariif oo ka hadlay askari lagu dilay Shabeelada dhexe

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka...

Somaliland oo ka hadashay xariga weriye Xassan Gallaydh

Booliska Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan...

DFS oo ka hadashay halka uu marayo wada-hadalka Mucaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay halka uu marayo wada-hadallada...

KGS, CXDS iyo AUSSOM oo ku heshiiyay dagaal wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo sugo amniga Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed iyo talisyada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles