Turkiga oo Xoogga Saaraya Dhex-dhexaadinta Dowladda Soomaaliya iyo Mucaaradka

Dowladda Turkiga ayaa sare u qaadday dadaallada ay ku doonayso inay ku qaboojiso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo wafdi Turki ah oo ay ku jiraan diblomaasiyiin iyo saraakiil amni ay kulamo gaar-gaar ah ka wadaan magaalada Muqdisho.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xubno ka socda Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT) ay qeyb ka yihiin wafdiga ku sugan Muqdisho, kuwaas oo wada dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadda, xilli uu jiro khilaaf xooggan oo la xiriira arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo marxaladda kala guurka siyaasadeed.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamay in wafdiga Turkiga uu kulamo la yeeshay madax ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin mucaarad ah, si dhinacyada loogu qanciyo inay dib ugu laabtaan wadahadal iyo xal siyaasadeed oo laga gaaro xiisadda taagan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay kulan la yeesheen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la filayo inay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inkasta oo Ankara ay sheegtay inay waddo dadaallo nabadeed iyo dhexdhexaadin, haddana qaar kamid ah mucaaradka ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu si toos ah ugu milmay arrimaha gudaha Soomaaliya isla markaana uu taageerayo mowqifka Villa Somalia, taasoo dhalisay shaki ku saabsan dhexdhexaadnimadiisa.

Dhanka kale, xubnaha Beesha Caalamka ayaa kordhiyay cadaadiska ay saarayaan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, iyagoo ku baaqaya in laga fogaado xiisad amni iyo isku dhacyo siyaasadeed oo hor leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles