Monday, June 8, 2026

Dagaal markale ka qarxay Bariga dhexe

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa qaaday duqaymo ku wajahan “bartilmaameedyo dhowr ah” oo ku yaalla xarun batrool kiimikada ee Iran leedahay, taas oo ku taalla magaalada Mahshahr ee koonfur-galbeed ee dalka.

Batroolka kiimikaad waa walxo kasta oo kiimiko ah oo laga helo batroolka (Shadaalkad cayriin) ama gaaska dabiiciga ah.

IDF iyo warbaahinta dowladda Iran labaduba way xaqiijiyeen weerarka, iyadoo warbaahinta Iran ay sheegtay in xaruntaas oo ku dhow xeebta waqooyi ee Gacanka Faaris ay qayb ahaan waxyeello soo gaartay.

Warbaahinta Iran waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo “suurtagalnimada dhimasho ama dhaawac” la shaacin doono mar dambe.

Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa sheegay in mowjad kale oo gantaallo ah laga soo ganay Iran kuna wajahan Israa’iil.

War-saxaafadeed ay soo saareen, IDF waxay ku sheegeen in nidaamyada difaaca hawada ay hawlgal ku jiraan si ay uga hortagaan una qabtaan Gantaalada la soo riday.

Waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inay si degdeg ah u galaan goobaha gabaadka ama hoyga amniga haddii ay helaan digniin rasmi ah oo weerar ah.

Tani waxay muujinaysaa in iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil uu sii xoogaysanayo, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan weerarro gantaallo iyo duqaymo cirka ah.

Dhanka kale Militariga Iiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay weeraradii ay ku qaadeen gudaha Israa’iil.

Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran ee (IRGC) ayaa sheegay inay qaaday weerar ku wajahan saldhigyada cirka ee Navatim iyo Tel Nof ee Israa’iil.

Bayaan lagu daabacay warbaahinta Iran, ururka ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarradan ay ahaayeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla labadan saldhig cirka.

IRGC waxay intaas ku dartay in weerarradani ay yihiin jawaab celin ay uga falcelinayaan weerarro ay Israa’iil ku qaaday dhowr goobood oo radar ah oo ku yaalla saddex goobood oo Iran gudaheeda ah.

WARARKII KALE

Iran ayaa sheegtay in joojineyso weerarada

Iran ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd in la soo...

Xisbullah oo sheegtay in weeraro aargoosi ah ay ku qaaday ciidamada Israel ee jooga Lubnaan

Xisbullah ayaa sheegtay in ay gantaallo ku duqeysay kolonyo...

Maxaa ka cusub dhex dhexaadinta ay Turkiga ka dhex wado DF iyo Mucaaradka

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda wadahadallo siyaasadeed oo heer...

Xoogagga Yemen oo ku dhawaaqay xayiraad buuxda oo ka dhan ah maraakiibta Israa’iil ee Badda Cas

Xoogagga Hubeysan ee Yemen ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin...

Madaxweyne Cirro oo la filayo inuu booqasho ku tago Israa’iil

Sida lagu daabacay warbixinta, qodobka ugu weyn ee safarka...

Uganda oo sheegtay in ciidamadeeda aysan faragelin doonin siyaasadda gudaha Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa shaacisay in ciidamadeeda ku sugan Somalia...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles