Monday, August 10, 2026

Dagaal markale ka qarxay duleedka Beledxaawo

Dagaalka xooggan ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Tuulo Aamin ee hoostagta magaalada Beled-Xaawo, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya  ay weerar qorsheysan ku qaaday ciidanka Jubbaland oo ku sugnaa Tuuladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hub culus iyo mid fudud, waxaana la maqlayay jugta madaafiic iyo rasaas culus oo ka dhacaysa gudaha iyo hareeraha deegaanka. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay guryahooda ka barakacaan, iyagoo ka baqaya in dagaalka uu ku faafo tuulooyinka deriska ah.

Ciidanka Jubbaland ayaa maalmahii lasoo dhaafay halkaas ka sameynayeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Illaa iyo hadda lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalka saaka qarxay.

Waxaa xusid mudan in Beled-Xaawo iyo nawaaxigeeda ay horey uga dhaceen iska horimaadyo la mid ah kan saaka, kuwaas oo salka ku haya khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo soo jiitamayay sanadihii lasoo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles