Dagaal markale ka qarxay duleedka Beledxaawo

Dagaalka xooggan ayaa saaka markale ka qarxay deegaanka Tuulo Aamin ee hoostagta magaalada Beled-Xaawo, kadib markii ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya  ay weerar qorsheysan ku qaaday ciidanka Jubbaland oo ku sugnaa Tuuladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay isu adeegsadeen hub culus iyo mid fudud, waxaana la maqlayay jugta madaafiic iyo rasaas culus oo ka dhacaysa gudaha iyo hareeraha deegaanka. Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay guryahooda ka barakacaan, iyagoo ka baqaya in dagaalka uu ku faafo tuulooyinka deriska ah.

Ciidanka Jubbaland ayaa maalmahii lasoo dhaafay halkaas ka sameynayeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Illaa iyo hadda lama helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalka saaka qarxay.

Waxaa xusid mudan in Beled-Xaawo iyo nawaaxigeeda ay horey uga dhaceen iska horimaadyo la mid ah kan saaka, kuwaas oo salka ku haya khilaaf siyaasadeed iyo mid amni oo soo jiitamayay sanadihii lasoo dhaafay.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles