Sunday, June 7, 2026

DF oo ka hortimid warbixintii Qaramada Midoobey ee khasaaraha ka dhashay dagaalkii Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saartay khasaaraha ka dhashay dagaalladii iyo iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho 3-dii iyo 4-tii Juun 2026, kuwaas oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay taageersan yihiin siyaasiyiin mucaarad ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ay tahay hal qof oo keliya, halka dhaawacyadana lagu sheegay 55 ruux.

“Xogta rasmiga ah ee laga helay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ayaa muujineysa in dhimashadu tahay 1 qof, halka dhaawacyadu gaarayaan 55 qof,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda ayaa sidoo kale beenisay warbixin ay hore usoo saartay Qaramada Midoobey, taas oo lagu sheegay in rabshadahaasi ay sababeen dhimashada 13 qof, dhaawaca 189 kale iyo barakaca ku dhowaad 12 kun oo qoys.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay ururinta iyo xaqiijinta xog sax ah oo la xiriirta xaaladaha degdegga ah, iyadoo warbaahinta iyo hay’adaha kala duwan ugu baaqday inay muujiyaan taxaddar marka ay faafinayaan xogaha la xiriira khasaaraha iyo xaaladaha amniga.

Warbixinta dowladda ayaa kusoo aadeysa xilli ay wali taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay khilaafka dowladda iyo mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay si kala duwan uga hadlayaan khasaaraha iyo mas’uuliyadda dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo digniin ka bixiyay doorashooyinka la qorsheynayo ee Koofur Galbeed

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeti ayaa...

MW Xasan Sheekh oo xil u magacaabay Danjire Salaad Cali Jeelle

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,...

Dowladda Federaalka oo kordhinaysa saameynteeda Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii waddo ballaarinta saameynteeda gudaha...

Dowladda iyo mucaaradka oo xaalad cusub geliyay Muqdisho

Magaalada ayaa lagu soo warramayaa inay ku jirto xaalad...

Ciidamo Macawiisleyda oo gaaray Cadale iyo iska horimaad ka dhacay Duleedka Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo xalay ka baxay deegaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles